4 Daafac Oo Ay Real Madrid Doonayso In Ay Ku Buuxiso Booska Raphaël Varane

Wargayska AS ayaa kashifay qorshaha ay Real Madrid ugu buuxinayso Daafaca Raphaël Varane kaas oo shaki weyn jiro mustaqbalkiisa kooxda Caasimada Madrid.

Raphaël Varane ayaa si lama filaan ah shaki u galiyay mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan iyada oo laga yaabo in uu isaga tago kooxd dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo ay kooxdu la soo saxiixatay Éder Militão hadana Real Madrid ayaa doonaysa daafac kale si ay ula soo saxiixato daafac cusub oo ay ku buuxiso booska Éder Militão.

Wargayska AS ayaa soo saaray Liska 4 xiddig oo ay Real Madrid u dhaqaaqi doonto si ay ugu buuxiyaan booska Raphaël Varane.

Xiddiga 1-aad ayaa ah xiddiga kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt kaas oo ku jira xilli ciyaareed cajiib ah qaab ciyaareedkiisana ku soo jiitay kooxo badan oo reer yurub ah.

Xiddiga kooxda Espanyol ee Mario Hermoso ayaa ku jira Liiska xiddigaha ay Real Madrid doonayso in ay ku buuxiyaan booska xiddiga reer France.

Xiddiga Kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly ayaa ka soo muuqday Liiska daafacyada ay doonayo Real Madrid inkasta oo ay tartan kala kulmi doonaan kooxda Man United.

Ugu dambayn waxa Liiska ka mid ah xiddiga kooxda Inter Milan ee Milan Škriniar kaas oo xiiso ka helay Real Madrid wakhti hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.