4-ta Xiddig Ee Ugu Goolasha Badan Man United Xilli Ciyaareedkan

Waxa jira dagaal aad la isugu dhawyahay oo ay xiddigaha Man United ku tartamayaan gool dhalinta Man United ee xilli ciyaareedkan.

Hadii laga hadlayo premier League ama tartamada oo dhan Romelu Lukaku ayaa ah xiddiga hogaaminaya gool dhalinta Man United ee xilli ciyaareedkan.

Romelu Lukaku ayaa ilaa haatan dhaliyay 15 gool oo tartamada oo dhan Isaga oo ka horeeya xiddiga ugu soo dhaw oo ah xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.

Lukaku ayaa 12 gool dhaliyay premier League halka uu FA Cup-ka dhaliyay iyo waliba 2 gool oo tartanka champions League ah.

Waxa ku xiga xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo dhaliyay 14 gool 11 premier League ah, hal FA Cup-ka ah iyo 2 champions league ah.

Xiddiga Marcus Rashford ayaa ku xiga isaga oo dhaliyay 12 gool 9 gool oo premier League ah Hal gool oo FA Cup-ka ah iyo 2 champions League ah.

Ugu dambayn waxa ku xiga xiddiga Anthony Martial kaas oo dhaliyay 9 gool oo premier League ah, hal gool oo FA Cup-ka ah iyo hal gool oo champions League ah.

Xiddiga premier League FA Cup Carabao cup Champions League Guud
Romelu Lukaku 12 1 0 2 15
Paul Pogba 11 1 0 2 14
Marcus Rashford 9 1 0 2 12
Anthony Martial 9 1 0 1 11

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*