WARBIXIN: Paul Pogba Oo Ay Ka Dhab Tahay In Uu Doonayo In Uu Ka Ciyaaro Real Madrid Xilli Ciyaareedka Dambe.

Wakhtigii Paul Pogba ee Man United ayaa u muuqda mid soo dhamaanaya iyada oo uu wakiilka xiddiga ee Mino Raiola isha ku hayo koox cusub oo uu xiddigu kaga biiro United.

Xiddiga reer France ayaa dhawaan si cad u qirtay in uu ku riyoonayo ka ciyaarista kooxda Real Madrid iyo waliba ka hoos ciyaarista Zinedine Zidane.

Dhibaatada ayaa ah in maamulka kooxda Man United oo xiddiga ka soo bixiyay 105 Milyan xagaagii 2016 ayna doonayn in uu ka tago kooxda.

Xiddiga ayaa ku dhibaatooday Man United markii uu tababaraha u ahaa Jose Mourinho laakiin waxa uu horumar sameeyay 26 jirkan markii uu kooxda la wareegay Tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Inkasta oo uu Zinedine Zidane doonayo in uu ku soo daro kooxdiisa waxa jirta shaki ay Real Madrid qabto iyo waliba muhiimada ah in ay helaan badalka Luka Modric.

Ma kala cada inta ay ku qaadan doonto In Ay Los Blancos la soo saxiixato xiddiga reer France.

Hehsiiskiisa kuma jiro lacag lagu bur-burin karo taas oo keeni karta in ay United dalbato lacagtii ay ka soo bixisay xiddiga.

Ma jiro xiddig haatan khadka dhexe ah oo la bar-bar dhigi karo Pogba laakiin Barcelona ayaa 90 Milyan oo euro ka soo bixisay Frenkie de Jong.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*