Ander Herrera Oo Go,aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United, Xilli Lala Xiriirinayo PSG

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Ander Herrera ayaa go,aan ka gaadhay mustaqbalkiisa kooxda Man United.

Ander Herrera ayaa lala xiriirinayaa kooxda PSG iyada oo ay maalmihii ugu dambeeyay soo bexeen warar sheegaya in ay biiska miiska u saartay mushahar laba jibaar ah.

Kooxda PSG ayaa Ander Herrera u sheegtay in ay diyaar ula tahay lacag dhan 180 Milyan oo euro iyo waliba heshiis 4 sano ah.

Laakiin wargayska Telegraph ayaa sheegaya in uu Ander Herrera diyaar u yahay in uu go,aansado in uu iska sii joogo Man United waliba heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa haatan.

Man United ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer Spain xilli heshiiskiisa haatan dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 29 jirka ah ee Ander Herrera ayaa kooxda Man United ku soo biiray sanadkii 2014 isaga oo kaga soo biiray kooxda Atletic Bilbao.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*