Ander Herrera Oo Shaaca Ka Qaaday Qaabka Ay Chelsea, Kooxda Man United Uga Caawinayso Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Ander Herrera ayaa shaaca ka qaaday qaabka ay Chelsea uga caawinaytaan champions League xilli ciyaareedkan.

Ander Herrera  ayaa qirtay in ay dhiiri galin ka qaadanayaan kooxdii chelsea ee sanadkii 2012 ku guulaysatay tartanka champions League.

Kooxda uu Ole Gunnar Solskjaer hogaamiyo ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigtay iyaga oo guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda PSG una gudbay 8 dhamaadka champions league.

Kadib markii ay ka bexeen xilli ciyaareed aad u liita Red Devisl ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay la kulanto hogaamiyayaasha La Liga ee Barcelona 8 dhamaadka champions League.

Hadana Herrera ayaa qirtay in ay dhiiri galin ka qaadanayaan kooxdii chelsea ee sanadkii 2012 ku guulaystay tartanka champions League.

“Horyaalka waxa aan u dagaalamaynaa kaalinta 3-aad, waxana nalaga reebay FA Cup-ka”ayuu Herrera u sheegay El Periódico de Aragón.

“Champions League waan ku jirnaa, waxa aan xasuusanaa Kooxdii Chelsea ee uu hogaaminayay Di Matteo ma ahayn koox ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka champions league sanadkaas”.

Chelsea ayaa ku dhamaystay kaalinta 6-aad sanadkaas premier League kadib markii ay shaqada ka caydhiyeen Andre Villas-Boas laakiin waxa ay si cajiib ah ugu guulaysteen champions League iyaga oo ka qaaday Bayern Munich.

Blues ayaa ku guulaystay champions League xilli uu xiddigoodii hore Robert Di Matteo ahaa tababare ku meel gaadh ah Herrera ayaan arka in ay mari karaan wadaadaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*