Ander Herrera Oo Si Xor Ah Ugu Biiri Kara Koox Weyn Oo premier League Ah Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man Unted ee Ander Herrera ayuu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa iyada oo la sheegayo in uu si xor ah ugu biiri doono koox premier League ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Herrera ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan Man United ayaana ku dhibaatoonaysa in ay heshiis la gaadho xiddiga inkasta oo ay wadahadaalda bilowday 18 bilood ka hor.

United ayaa wali ku rajo weyn in ay xiddiga ku qanciso heshiis cusub xilli la aaminsanyahay in uu 29 jirku doonayo in uu iska sii joogo Old Trafford.

Laakiin Herrera ayaa ka xanaaqsan in ay wadahadalada heshiis kordhintu daba dheeraadaan kadib markii uu diiday dalabkii ugu horeeyay kaas oo ay ugu soo bandhigeen lacag aad uga yar mida ay qaataan xiddigaha kooxda 1-aad.

Waxa la aaminsan yahay in uu doonayo in kor loogu qaado mushaharkiisa lacag dhan 150 kun oo Gini todobaadkii kadib markii muhiim ka noqday shaxda tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Xiddigii hore ee kooxda Athletic Bilbao ayaa tan ilaa bishii January xor u ahaa in uu wadahadalo hor dhac ah la furo kooxaha ka baxsan England waxana la aaminsan yahay in ay wakiiladiisu la kulmeen kooxda PSG.

Laakiin Wargayska Sportsmail ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal haatan ugu cad-cadahay saxiixa Herrera kadib markii ay xiiso dhab ah u muujisay hadii uu doonayo in uu isaga tago Old Traaford.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*