Arsenal Oo Indha-Indheeyayaal U Dirtay Kulankii Italy & Finland Ee Is Reeb-Reebka Euro 2020 & Xiddigii Ay Daawadeen Oo La Ogaaday

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay indha-indheeyaayal u direen Kulankii xalay ee Italy iyo Finland ee is reeb-reebka Euro 2020.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa indha indheeyayaal u diray in ay soo daawadaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Cagliari ee Nicolò Barella.

Nicolò Barella ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay isaga oo dhaliyay gool kulankii uu qarankiisa Itlay guusha 2/0 ah ka gaadhay Finland.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay Arsenal Indha-Indheeyayaal u dirtay si ay u soo daawadaan xiddiga khadka dhexe ee Nicolò Barella.

Emery ayaa doonaya in uu xiddigan 50 Milyan lagu qiimeeyo u dhaqaaqo suuqa Xagaaga si uu ugu xoojiyo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga oo kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaray xulka Italy ayaa lala xiriirinayay kooxda Chelsea suuqii January laakiin xiddiga ayaa go,aansaday in uu iska sii joogo kooxdiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*