Arsenal Oo Isku Diyaarinaysa In Ay Iibiso Xiddigaha Henrikh Mkhitaryan & Mesut Ozil Si Ay Ula Soo Wareegto 4 Saxiix Oo Cusub

Mustaqbalka Henrik Mkhitaryan ee kooxda Arsenal ayuu shaki weyn ku jiraa,

Gunners ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe si la mid ah Mesut Ozil si ay hoos ugg dhigaan mushaharka waalida ah ee ay bixiyaan.

Xiddiga Henrik Mkhitaryan ayaa ka mid ah xiddigaha mushaharka ugu badna ka qaata kooxda isaga oo todobaadkii jeebka ku shubta lacag dhan 180 kun oo Gini waxana uu kooxda ku soo biiray suuqii January ee hore laakiin si la mid ah Mesut Ozil tababaraha Arsenal ayaa aaminsan in mushaharka Henrik Mkhitaryan ay fiican tahay in lagu bixiyo meel kale xilli uu isku dayayo in uu xoojiyo kooxda.

Emery ayaa haatanba loo sii sheegay in uu heli doonin lacag xadidan dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu ugu galo suuqa uguna xoojiyo kooxda lacagtaas oo ah 45 Milyan oo euro.

Kooxda Arsenal ayaa iska fasaxixi doonta xiddigaha Aaron Ramsey oo ku biiri doona Juventus, Petr Cech oo ciyaaraha ka fadhiisan doona iyo Danny Welbeck.

Laakin Emery ayaa kooxo iibsada u raadinata xddigaha Mkhitaryan & Ozil kuwaas oo ah xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda.

Emery ayaa labada xiddig u iibinaya si uu ugu dhaqaaqdo saxiixyada xiddiga daafaca Bidix ee kooxda Celtic ee Kieran Tierney, xiddiga khadka dhexe ee Nicolo Barella, xiddig daafaca dhexe ka ciyaara Iyo waliba xiddig khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*