Arsenal Oo Laba Xiddig U Calaamadsatay Badalka Aaron Ramsey

Kooxda Arsenal ayaa calaamadsatay 2 xiddig oo ay u dhaqaaqi doonaan xagaaga si ay ugu buuxiyaan booska Aaron Ramsey kaas oo dhamaadka xilli ciyaareedkan ku biiri doona kooxda Juventus.

Aaron Ramsey ayaa soo afjari doona 11 sano oo uu joogay kooxda Arsenal kadib markii uu heshiis Rasmi ah u saxiixay kooxda Juventus.

Xiddiga reer Wales ayaa dhaliyay 4 gool 35 kulan oo uu Arsenal u ciyaaray xilli ciyaareedkan xilli ay khabiiro badan khalad ku sheegeen in ay u ogolaadeen in uu ka tago kooxda.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa heshiis Rasmi ah u saxiixay kooxda Juventus waxana ay Gunners isku diyaarinaysaa nolosha ka dambaysa Ramsey.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal diyaarsatay 2 xiddig oo ay midkood u dhaqaaqi doonaan si ay ugu buuxiyaan booska Ramsey.

Xiddiga 1-aad ayaa ah xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ac Milan ee Franck Kessie iyo xiddiga kooxda Cagliari ee Nicolo Barell.

Warka ayaa intaas ku daraya in ay Arsenal ku adkaan doonto in ay hesho saxiixa xiddiga Barella hadii ay Ac Milan iibiso xiddiga Kessie kaas oo lala xiriirinayo kooxaha Chelsea iyo Inter Milan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*