Barcelona Oo Badalka Luis Suarez Ka Arkootay Man United

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay badalka Luis Suarez ka heshay kooxda Man Man United sida ay sheegayaan wararka ka imanay Spain.

Barcelona ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub oo ay ku badasho Suarez oo da, noqday kaas oo aan si joogto ah u ciyaari karin wixii xilli ciyaareedkan ka dambeeya.

Kooxda Barcelona ayaa bartilmaameedsanaysay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Eintracht Frankfurt ee Luka Jovic si ay badal uga dhigaan Suarez.

Laakiin Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Maamulka Barcelona Liiska weeraryahanada ay doonayaan ugu horaysiiyeen xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford kaas oo 21 jir ah.

Xiddiga reer England ayaa soo jiitay indhaha Barcelona xilli ciyaareedkan iyaga oo la dhacsan awoodiisa iyo waliba in qaab ciyaareedkiisu ku fiican yahay Barcelona.

Heshiiska Rashford ee United ayaa dhici doona xagaaga 2020 Man United ayaana si aad ah u doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*