Barcelona Oo Dagsatay Qorshe Ay Kooxaha Reer Yurub Ugaga Adkaanayso Saxiixa Matthijs de Ligt, Maxay Damacsantahay?

Wargayska Sport ayaa shaaca ka qaaday dhaq-dhaqaaqi ugu dambeeyay ee baacsiga ay ugu jirto xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt.

Matthijs de Ligt ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Barcelona iyo waliba kooxo badan oo reer yurub ah kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona heshiiska De Light ka qayb dhigayso xiddiga cusub ee dhawaan kooxda ku soo biiray ee Jean-Clair Todibo.

Jean-Clair Todibo ayaa kooxda Barcelona ku soo biiray suuqii January laakiin aan ilaa haatan wax kulan ah u ciyaarin kooxda 1-aad.

Kooxda Ajax ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga Jean-Clair Todibo taas oo si weyn uga farxisay kooxda Barcelona maadama ay u dhib yaraynayso helitaanka saxiixa daafaca Matthijs de Ligt.

Madaxweyna Barcelona ayaa haatanba u duulay Holland si uu u dhamaystiro saxiixa Matthijs de Ligt iyada oo la filayo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo heshiiska.

Daafaca reer Holland ee Matthijs de Ligt ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo jiitay indhaha kooxaha ugu waaweyn xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*