Barcelona Oo Go,aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Samuel Umtiti & Labada Manchester Oo Ay Faa,iido U Tahay

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay go,aan kama dambays ah ka gaadhay mustaqbalka xiddiga daafaca uga ciyaara ee Samuel Umtiti sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay daafaca reer France ee Samuel Umtiti u sheegtay in uu isaga tago kooxda Barcelona marka la gaadho suuqa xagaaga Sabab la xidhiidha in ayna ku kalsoonayn taam ahaanshaha xiddiga reer France.

Wargayska AS ayaa sheegaya in mustaqbalka Umtiti ee Barcelona uu dhinac walba u furan yahay iyada oo maamulka kooxdu aaminsan yihiin in ay fiicantahay in la iska fasaxo xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay maamulka Barcelona ku kalsoon yihiin in ay kooxda Man City Iyo Man United bixinayaan lacag badan oo ay ku iibsadaan xiddiga xagaaga.

Lacagta lagu bur-burinyo heshiiska xiddiga ayaan ahayn lacag aan yarayn taas oo ah 500 oo Milyan oo euro laakiin Barcelona ayaa hoos u dhigaysa qiimaha 50/60.

Samuel Umtiti ayaa kooxda Barcelona us axiixay heshiis cusub laakiin sabab la xidhiidha dhaawacyada soo gaadhay xiddiga tan ilaa koobkii adduunka.

Umtiti ayaa kooxdiisa Barcelona u ciyaarin inta badan xilli ciyaareedkan kadib dhaawac uu ku dhibaatooday xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*