Barcelona Oo Talaabo Muhiim Ah U Qaaday Dhamaystirka Saxiixa Matthijs de Ligt

Kooxda Barcelona ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax iyo xulka qaranka Holland ee Matthijs de Ligt sida ay sheegayaan wararku.

Matthijs de Ligt ayaa ka mid ah xiddigaha sida weyn qaab ciyaareedka fiican ugu jira xilli ciyaareedkan isaga oo soo jiitay kooxo badan oo reer yurub ah.

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa u duulay Holland si uu u dhamaystiro saxiixa da,yarka Matthijs de Ligt.

19 Jirkan ayaa indhaha kooxaha ugu waaweyn ku soo jiitay qaab ciyaareed heer sare ah oo uu ku soo bandhigay kooxda Ajax xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ka gudbisay dalab 51 milyan oo euro ah si ay adeegiisa ugu garaacdo kooxaha reer yurub.

Wargayska Onda Cero ayaa sheegaya in kooxaha Liverpool, Juventus ku jiraan tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara.

Laakiin Barcelona ayaa haatan ku dhaw dhamaystirka saxiixa kadib markii madaxweynaha kooxda Bartomeu uu u duulay Holland si uu u dhamaystiro heshiiska xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.