Casemiro: Koox Walba Way Tabaysaa Cristiano Ronaldo, Halkan Ayaana Sabab U Ah

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Casemiro ayaa ka hadlay saamayntii ay Real Madrid ku yeelatay bixitaankii Cristiano Ronaldo kaas oo ku biiray kooxda Juventus suuqii Xagaaga.

Xiddiga reer Portugal ayaa soo afjaray 9 sano oo uu joogay kooxda Real Madrid dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore kadib markii uu si lama filaan ah ugu biiray kooxda Juventus.

Casemiro oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Cristiano Ronaldo waa xiddig ay koox kasta oo adduunka ah tabayso sababta oo ah waa xiddiga ugu fiican adduunka”.

“Cristiano Ronaldo waxa uu ka tagay Real Madrid laakiin waan ku faraxsanahay in aan ka garab ciyaaro”.

Real Madrid ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u liita kuwaas oo xilli ciyaareedkan ka wada hadhay dhamaan tartamada kala duwan.

Los Blancos ayaa ku dhibaatootay gool dhalinta iyaga oo si weyn uga tabay dhankaas iyada oo xiddigaha Benzema iyo Bale ku fashilmeen in ay buuxiyaan booskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*