Cristiano Ronaldo Oo Saxiixay Maaliyada Real Madrid Ah & Wixii Uu Taageerihii Sitay Ku Yidhi Oo La Ogaaday

Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristaino Ronaldo ayaa mid ka mid ah taageerayaashiisa u saxiixay maaliyada kooxdiisii hore ee Real Madrid kadib bar-barihii uu xulka Portugal la galay xulka Ukraine kulan ka tirsanaa is reeb-reebka tartanka Euro 2020.

Cristiano Ronaldo ayaa isaga tagay kooxda Real Madrid suuqii xagaaga isaga oo ku biiray kooxda Juventus isaga oo ugu biiray lacag dhan 105 milyan oo euro.

Sida laga soo xigtay wargayska Daily Express Cristiano Ronaldo ayaa saxiixay maaliyada kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Kadib Cristiano Ronaldo ayaa taageeraha ku yidhi” Miyaanad haysan maaliyad Juventus ah?” Taageeraha ayaa ugu jawaabay” Waan Haystaa, Waan Haystaa”.

Cristiano Ronaldo ayaa wakhti fiican ku qaadanaya kooxda Juventus isaga oo haatanba ka caawiyay in ay hal gacan ku sii qabsadaan horyaalka Serie A-da halka uu sidoo kale lugtiisa ku geeyay semi-finalka champions League.

Ronaldo ayaa haatan gudanaya waajibaadka xulka qarankiisa Portugal kaas oo ka qayb qaadanaya bar-barana ku bilowday is reeb-reebka tartanka Euro 2020

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.