Cristiano Ronaldo Oo Seegi Doona Laba Kulan Oo Juventus Ah & Xulka Portugal Oo Sabab U Ah

Xiddiga ugu muhiimsan kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu seegi doono labada kulan ee soo socda ee ay ciyaari doonto kooxdiisa Juventus.

Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa in uu seego laba kulan oo kooxdiisa Juventus ah sabab la xidhiidha waajibaadka xulka qarankiisa Portugal.

Ronaldo ayaa wacdaro ka dhigaya Serie A-da kadib markii uu 105 milyan oo euro ugaga soo biiray Real Madrid suuqii xagaaga.

34 jirka ayaa wali u ciyaaraya heerkiisa ugu sareeya kadib markii uu 15 sano ka ciyaaray heerka ugu sareeeya kubada cagta.

Ronaldo ayaa kooxda Juventus ku hogaamiyay 8 dhamaadka champions League kadib markii uu saddexley ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid/

Cristiano ayaa sidoo kale ku soo laabtay xulka qarankiisa Portugal oo uu ka maqnaa tan ilaa koobkii adduunka Russia 2018.

Gudashada Ronaldo ee waajibaadka xulka qarankiisa ayaa dhibaato ku keenaysa tababaraha kooxda Juventus ee Max Allegri.

Sida laga soo xigtay Tuttosport, Allegri ayaa ku qasbanaan doona in uu Nasiyo Ronaldo labada kulan ee ugu horeeya ee kooxda Juventus kadib fasaxa xulalka.

Ronaldo ayaa ciyaaray 90 daqiiqo kulankii uu Portugal bar-baraha 0/0 ah la galay xulka Ukriane waxana uu caawa ka hor tagi doonaan xulka Serbia.

Allegri ayaa ka war qaba sida adag ee uu Ronaldo u shaqeeyo xilli uu 34 jirku ciyaari doono laba kulan fasaxa xulalka waxana uu u baahan yahay in uu nasiyo kulamada Juventus ee soo socda.

Si uu diyaar ugu noqdo kulanka Champions League ee Ajax Allegri ayaa doonaya in uu Nasiyo labada kulan ee Empoli iyo Ac Milan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.