Daawo Qaabkii Uu Dhaawacu U Soo Gaadhay Cristiano Ronaldo

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa dhaawac muruqa ah soo gaadhay intii uu socday kulankii is reeb-reebka koobka Euro 2020 ee uu xulka Portugal la ciyaarayay Xulka Serbia.

Cristiano ayaa kulankiisii 2-aad u ciyaarayay xulka Portugal Kadib markii uuna wax kulamo ah u ciyaarin kadib koobkii adduunka.

Ronaldo ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta isaga oo saaxiibii u sameeyay dhawr fursadood oo goolal laga dhalin karo.

Daqiiqadii 27-aad ayuu Ronaldo soo gaadhay dhaawac muruqa ah isaga oo daba ordaya kubada laakiin xiddiga ayaa markiiba badal dalbaday.

Ronaldo ayaa dhulka ku dhacay kadib waxa garoonka soo galay waaxda caafimaadka xulka qaranka Iyaga oo isku dayay in ay daweeyaan.

Laakiin Ronaldo ayaa daqiiqadii 30-aad ka baxay ciyaaarta kadib markii uu sii wadan kari waayay isaga oo sidaas kaga baxay ciyaarta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*