Dani Alves Oo Ogolaaday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo PSG, Imisa Ayuu Qalinka Ku Duugayaa?

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaw dahay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga garabka daafaca uga ciyaara ee Dani Alves sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Wargaysyada ESPN & RMC ayaa sheegaya in uu daafaca reer Brazil ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda ka dhisan caasimada Farance.

Xiddiga 35 jirka ah ayaa ogolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis ilaa 2020 ah iyo waliba hal sano oo dheeraad ah hadii ay labada dhinac ku heshiiyaan.

Go,aanka xiddiga ayuu dhiiri galiyay ka hadhistii PSG ee champions League ee laba todobaad ka hor isaga oo doonaya in uu koobka kula guulaysto kooxda.

Xiddigii hore ee kooxaha Juventus & Barcelona ayaa dhaawac uga baxay Liiska xulka qarankiisa Brazil kadib markii uu dhaawac soo gaadhay Axadii hore.

Alves ayaa kooxda PSG kaga soo biiray kooxda Juventus kadib markii ay kooxda reer Italy Kansashay Heshii uu kula jiray.

Xiddiga reer Brazil ayay ka go,antahay in uu kooxda Paris Saint-Germain kula guulaysto tartanka champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.