Da,yarka Kooxda Juventus Ee Moise Kean Oo Isku Qoray Taariikhda Itlay Kadib Goolkii Finland

Da,yarka kooxda Juventus iyo xulka qaranka Italy ee Moise Kean ayaa isku qoray taariikhda Xulka qaranka Italy kadib kulankii uu xulka Italy guusha ka gaadhay xulka FinlIyo kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka Euro 2020.

Moise Kean ayaa noqday xiddigii 2-aad ee ugu yaraa ee Abid gool u dhaliya xulla Qaranka Italy jira oo jira 19 sano iyo 23 maalmood.

Xiddiga kooxda Juventus ayaa shabaqa soo taabtay kulankii uu xulka Italy 2/0 uga badiyay xulka FilIyo sabtidii kulan ka tirsanaa is reeb-reebka Euro 2020.

Xiddiga ayaa kaliya bishii hore noqday 19 jir ka hor inta uuna noqon xiddigii 2-aad ee ugu yaraa ee xulka Azzurri gool u dhaliya.

Taas ayaa la macno ah in uu rikoodha haysto xiddiga Bruno Nicole kaas oo jiray 18 sano iyo 258 maalmood markii uu gool u dhaliyay xulka qaranka Italy sanadkii 1958-kii.

Nicole ayaa kulankiisii ugu horeeyay dhaliyay 2 gool kulan uu xulka Italy bar-baro 2/2 ah la galay xulka France bishii November 9 sanadkii 1958-kii.

Kean ayaa dhaafay halyeeyo reer Italy ah kuwaas oo da,yar ku dhaliyay goolkoodii ugu horeeyay kuwaas oo kala ah Gianni Rivera (19 Sano Iyo 106 maalmood), Carlo Rampini (19 Sano Iyo 166 maalmood) Iyo Giuseppe Meazza (19 Sano 170 maalmood).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*