Del Piero: Cristiano hal Arin Ayaa Loo Keenay Juventus Dhawaan Ayayna Dhici Doontaa

Halyeeyga Kooxda Juventus ee Alessandro Del Piero ayaa sheegay in ay kooxda Juventu dhawaan ku guulaysan doonto tartanka champions League mar hadii ay haystaan Cristiano Ronaldo.

Bianconeri ayaa wajihi doonta kooxda Ajax 8 dhamaadka tartanka champions league bisha dambe kadib markii ay si cajiib ah ugu soo bexeen kana reebeen tartanka kooxda Atletico Madrid.

“Waxa ay ahayd wax qaban weyn kulankii Atletico, laakiin dadka garanaya kooxda Juventus lamay yaabin arintaas”ayuu Del Piero u sheegay MARCA.

“waxa aan ogayn awooda kooxda, xiddigaha iyo waliba in ay wax walba suurtagal yihiin, ma ahayn shaqo fudud waxa ay ku qasbanaayeen in ay soo bandhigaan qaab ciyaareedkooda ugu fiican iyo in ay Atletico is qariso”.

“Kooxdan Juventus waxa ay samaynaysaa taariikh, koobka champions League wuu iman doonaa wakhti dhaw, Cristiano Ronaldo waxa loo keenay halkaas arin oo kaliya, hadii ay sanadkan dhici waydo ma ahan fashil”ayuu sii raaciyay.

“Mashruuca ayaa ah in Cristiano lagula guulaysto champions League waxana uu koobka champions League iman doonaa dhawaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.