Eden Hazard Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Uu Heshiis La Gaadhay Real Madrid

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa ka hadlay xaqiiqada wararka sheegaya in uu heshiis la gaadhay kooxda Real Madrid.

Kabtanka xulka qaranka Belguim ee Eden Hazard ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu heshiis 5 sano ah la gaadhay kooxda Real Madrid.

Heshiiska Hazard ee Chelsea ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana todobaadkan soo baxay warar sheegaya in uu haatanba heshiis la gaadhay kooxda Real Madrid kadib markii uu si toos ah ula hadlay Zinedine Zidane.

Hazard ayaa haatan ku sugan waajibaadka xulka qarankiisa Belguim markii wax laga waydiiyay arimaha Real Sabtidii waxnaa uu yidhi” Ma Jiraan wax la sheego”.

“Haatan waxa aan diirada saarayaa Kulanka Cyprus ee is reeb-reebka Euro 2020”.

“Taas ayaa ah waxa kaliya ee aan ka fikirayo”.

Sky Sport ayaa fahamsan in ay chelsea diiday dalabkii ugu horeeyay ee ay Real Madrid ka soo gudbisay xiddiga kaas oo dhan 60 Milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*