FIFA Virus: Aaron Ramsey Oo Dhaawac Ka Soo Gaadhay Waajibaadka Xulka Qarankiisa & Xulka Wales Oo Laga Reebay

Kooxda Arsenal ayaa la kulantay dhirbaaxo kadib markii uu dhaawac soo gaadhay xidiga khadka dhexe uga ciyaara ee Aaron Ramsey xilli uu gudanayay waajibaadka xulka qarankiisa Wales.

Xiddiga khadka dhexe ayaa la filyay in uu ka qayb qaato kulanka muhiimka ah ee uu xulka Wales la ciyaarayay xulka Slovakia Axada kulamada is reeb-reebka koobka Euro 2020.

Laakiin waxa soo gaadhay dhaawac ku qasbay in uu seego kulankii saaxiibtinimada ahaa ee ay 1/0 uga badiyeen xulka Trinidad & Tobago.

Xiddiga ayaa awood u yeelan waayay in uu ka soo kabsasdo dhaawaca si uu uga qayb qaato kulanka Slovakia isaga oo seegay tababarkii maanta.

Waxana dib loogu diray xiddiga Arsenal si uu u qaato daawayn ugana soo kabsado dhaawaca soo gaadhay uguna diyaar garoobo kulmada Arsenal.

Tababaraha Xulka Wales ee Ryan Giggs ayaa ydihi” Aaron Ramsey waxa uu ku laabtay Arsenal, ma ciyaari doono kulanka Bari”.

“Dhaawaciiso ma cada laakiin waa dhirbaaxo dhaawaca soo gaadhay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Arsenal ayay dhirbaaxo ku noqon doontaa dhaawaca soo gaadhay xiddigan khadka dhexe maadama ay kulamo badan ciyaari doonto bisha April ee soo socota.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.