Griezmann, Neymar, Mbappe, Kante & Qaabka Ay Noqon Karto Shaxda PSG Xilli Ciyaareedkan Dambe.

Kooxda PSG ayaa soo qaadatay xilli ciyaareed kale oo niyad jab leh oo tartanka champions League ah kadib markii ay wareega 16-ka kaga hadheen tartanka champions League.

Taas ayaa keentay in ay Kooxda reer France isku diyaarinayso in ay samayso isku shaandhayn xoogan marka la gaadho suuqa xagaaga.

Kooxda ka dhisan caasimada France ee PSG ayaa lala xiriirinayaa xiddigaha ugu fiican qaarada yurub hadii ay nooqto boos kasta oo ay ka ciyaaraan.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaciyay qaabka ay noqon karto shaxda kooxda PSG xilli ciyaareedka dambe marka ay la soo saxiixato xiddigaha ay doonayaan.

PSG ayaa lala xiriirinayaa xiddigaha khadka dhexe ee u kala ciyaara kooxaha Chelsea iyo Real Madrid kuwaas oo kala ah Kante iyo Kroos.

Sidoo kale waxa lala xiriirinayaa xiddiga Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Griezmann Kaas oo aan ku faraxsanayn kooxda Atletico.

 How PSG could line-up next season, including Kante, Kroos and Griezmann

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*