Hazard, Coutinho, Koulibaly, Rakitic, Varane, Salah & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Man United ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Callum Hudson-Odoi (Mail).

Man United ayaa loo sheegay in ay rikoodhka suuqa kala iibsiga u jabiso daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly Miiskana saaraan lacag dhan 130 milyan oo euro ah (Mail).

Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 85 milyan oo euro ah ka gudbiso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Milan Skriniar (CalcioMercato).

Kooxda Man United ayaa dhanka kale bartilmaameedsanaysa daafaca kooxda Norwich City ee Ben Godfrey kaas oo lagu heli karo 10 milyan (Sun).

Man United ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysa xiddigaha reer Portugal ee Joao Felix, Ruben Dias Iyo Bruno Fernandes kuwaas oo ay diyaar ula tahay 250 Milyan oo euro (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa suuqa xagaaga bartilmaameedsan doonta xiddig daafaca Bidix ah, xiddig garabka weerarka ah iyo waliba badalka Aaron Ramsey iyada oo doonaysa saxiixyada xiddigaha Christopher Nkunku Iyo Ismaila Sarr (Football London).

Kooxda Inter Milan ayaa wali ku rajo weyn saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic iyo xiddiga garabka uga ciyaara kooxda PSV ee Steven Bergwijn (La Gazzetta dello Sport).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Raphael Varane ayaa saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaaga (Marca).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa beeniyay in uu heshiis la gaadhay kooxda Real Madrid (Sky Sport).

Kooxda Chelsea ayaa 100 Milyan oo euro ugu dhaqaaqi doonta saxiixa Philippe Coutinho hadii uu Eden Hazard ku biiro kooxda Real Madrid (Diario Gol).

Kooxda Inter Milan ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Valencia ee Rodrigo Moreno inkasta oo 120 milyan lagu heli karo (Gazzetta dello Sport).

Kooxaha Inter Milan iyo Man City ayaa isku diyaarinaya in ay dalab 50 Milyan oo euro ah ka gudbiyaan saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey (AS).

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay lacag iyo waliba Paulo Dybala ku dalbanayso xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah (Tuttomercatoweb).

Kooxda Chelsea ayaa doonaysa in ay xiddiga Callum Hudson-Odoi ka iibiso kooxaha Bayern Munich ama Borussia Dortmund halkii ay ka iibin lahayd Liverpool iyo Man United (Sun).

Daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa wakiilkiisa u sheegay in uu ka shaqeeyo sidii uu ugu biirin lahaa kooxda Barcelona xagaaga (Mundo Deportivo).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*