Inter Milan Oo Diyaar U Ah In Ay Ka Iibiso Badalka Martin Skrtel Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay

Kooxda Liverpool ayaa Man United kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Milan Skriniar sida ay sheegayaan wararku.

Kooxaha Man City iyo Real Madrid ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay si gaar ah ula socdaan xaalada xiddiga reer Slovakian.

Waxa intaas sii dheer in ay kooxaha Arsenal, Chelsea & Tottenham ay xiddiga indha-indheeyayaal u direen kulankii uu xulka qaranka xiddiga ee Slovakian la ciyaarayay xulka Wales.

Skriniar ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda Inter Milan isaga oo ka caawiyay in ay kaalinta 3-aad kaga jirana horyaalka Serie A-da.

Heshiiska xiddiga ayaa dhici doona xagaaga 2022 walina heshiis cusub umuu saxiixin kooxdiisa Inter Milan.

Skriniar ayaa kooxda Inter Milan kaga soo biiray kooxda Sampdoria xagaagii 2017 isaga oo ugu soo baxay lacag dhan 25 Miluan oo euro.

Inter Milan ayaa diyaar u ah in ay Liverpool ka iibiso xiddiga Skriniar oo ay iska garab ciyaaraan xulka qaranka xiddigii hore kooxda Liverpool ee Martin Skrtel.

Laakiin Reds ayaa u baahan in ay mar kale miiska saarto lacag la mid ah lacagtii ay ka bixisay xiddiga reer Holland ee Virgil van Dijk.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*