Isco Oo Go`aamiyay Mustaqbalkiisa Kooxda Real Madrid , Miyuu Baxayaa Mise ?.

Kubad sameeyaha kooxda Real Madrid ee Isco ayaa go`aamiyay mustaqbalkiisa kooxdaas xilli ay soo baxeen warar sheegaya in uu baxayo xagaaga .

Laacibkaas ayaa intii uu tababare Sollari joogay kooxdaas ka sheeganayay kursiga keydka kaasi oo shaqada kooxdaas laga eriyay ka dib markii Real ka hareen Champion-ka .

Isco ayaa xilligii Sollari saaxib la ahaa keydka waxa uuna waqtigaas macalinkaas ku eedeeyay in culeyska laacibka uu kordhay waliba tababarka uu uga maqnaaday dhowr jeer bilaa sabab .

Balse Zidane oo kooxdaas ku soo laabtay ka dib 8 bil oo ka soo wareegatay markii uu kooxdaas ka huleelay ayaa badalay fikirkii laacibka sida wargeyska Clacio Mercato uu sheegayo.

Xiddigii hore Malaga ayaa haatan la xusayaa in uu ka fikarayo in uu dhameysto hishiiskiisa Real kaasi oo jiraya illaa iyo xagaaga 2020-ka inkastoo dalabyo kala duwan uu haysto .

Kooxaha Juventus , PSG Iyo Liverpool ayaa si weyn u doonaya laacibkaas waxaana qiimaha suuqeed ee laacibkaas lagu qiyaasay 70 milyan oo euro

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*