Jose Mourinho Oo 2 Kooxood U Saadaaliyay Ku Guulaysiga Champions League & Waliba Sababta

Tababarihii hore ee kooxda Man United Jose Mourinho ayaa saadaliyay 2-da kooxood ee ku guulaysan doona tartanka champions League xilli ciyaareedkan xilli 8 kooxood isugu soo hadheen tartanka.

Jose Mourinho ayaa kooxaha Juventus iyo Barcelona u saadaaliyay ku guulaysiga tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Mourinho oo ka jawaabaya ku guulaysiga champions League ee kooxaha Ronaldo iyo Messi ayaa yidhi” Dadka oo dhan waxa ay ka hadlayaan labada xiddig laakiin waxa aan jecelahay in aan ka hadlo kooxaha Juventus iyo Barcelona”.

“Waxa aan ogahay in ay dadku diirada saarayaan kaliya 2-da xiddig laakiin waxa aan ahay tababare kubad cagta ah waxana aan ka hadlaya koox ahaan”.

“Kooxaha Juventus iyo Barcelona ayaa ugu cad-cad in ay ku guulaystaan tartanka champions League laakiin si fudud kuma qaadi doonaan”.

“Sababta ay Barcelona iyo Juventus ugu cad-cadyihiin ku guulaysiga tartanka ayaa ah Khibrada fiican ee ay u leeyihiin iyo waliba in ay haystaan laba xiddig oo cajiib ah”.

Waxa xusid mudan in kooxaha Juventus & Barcelona la ciyaari doonaan Kooxaha Ajaxa iyo Man United ka hor inta ayna gaadhin Semi-finalka tartanka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*