Juventus Oo Man United U Fududaynsa Saxiixa Toni Kroos, Qaab Noocee Ah?

Kooxda Juventus ayaa lug weyn ka qaadanaysa helitaanka kooxda Man United ee xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kross sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Toni Kroos kaas oo ay adeegiisa doonayeen tan ilaa ka hor intii uuna ku biirin Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Juventus ee Miralem Pjanić kaas oo ay u arkaan badalka Kroos.

Toni Kroos ayaa ku jira qaab ciyaareed xun waxana uu Zidane isku diyaarinayaa in uu isku shaandhayn weyn ku sameeyo kooxdiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in uu Zidane 80 Milyan oo eruro ku dalban doono saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Miralem Pjanić marka la gaadho xagaaga.

Taas ayaa la macno ah in ay Real Madrid iska fasixi doonto Toni Kroos waliba ka iibin doonto Man United hadii ay qiimo fiican miiska u saarto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*