Juventus Oo Si Fool-ka Fool Ah Real Madrid Ugula Dagaalamaysa Saxiixa Paul Pogba

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay fool-ka fool kooxda Real Madrid ugula dagaalanto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba marka la gaadho suuqa xagaaga.

Mustaqbalka Pogba ee Man United ayaa shaki lagu duuray wakhtigii ugu dambeeyay kadib markii uu qirtay in ay Real Madrid tahay kooxdiisa riyada.

Haatan wargayska AS ayaa sheegaya in dookha 1-aad ee Los Blancos uu yahay xiddiga reer France laakiin Juventus ayaa dhankeeda doonaysa in ay xiriirka fiican ee ay la leedahay wakiilka xiddiga ee Mino Raiola kaga faa,iidaysato xiddigana dib ugu soo celiso Serie A-da.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Juventus bilowday wadahadaladii ay ku doonaysay in ay xiddiga ugu soo celiso Turin dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga reer France iska diiday heshiiskii cusbaa ee ay kooxda Man United u soo bandhigtay.

Pogba ayaa doonaya in uu ku biiro koox ku tartamaysa koobabka xilli ciyaareedka dambe si uu koobab ugu guulaysto gaar ahaan tartanka champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*