Juventus Oo Warbixin Ka Soo Saartay Dhaawacii Soo Gaadhay Cristiano Ronaldo

Kooxda Juventus ayaa warbixin ka soo saartay dhaawaca soo gaadhay xiddigeeda ugu muhiimsan ee Cristiano Ronaldo kulankii uu xulka Portugal bar-baraha la galay xulka Serbia kulan ka tirsanaa is reeb-reebka Euro 2020.

Kulanka 1-aad ee lugta ee champions League ee ay la ciyaari doonaan Ajax ayaa shaki lagu tuuray kadib markii uu xiddiga dhaawac soo gaadhay.

Si kasta ha ahaatee kooxda Juventus ayaa baadhitaan ku samaysay xiddiga iyaga oo sheegay in uuna dhaawacu ahayn mid xun laakiin yahay mid fudud.

Inkasta oo aan la filayn in uu dhaawacu daba dheeraado hadana xiddiga No.7 u xidha Juventus ayaa mari doona baadhitaan dheeraad ah.

Cristiano ayaa dhankiisa xaqiijiyay in ay kaliya 2 toodbaad u baahan yahay in uu dib ugu soo laabto taam ahaanshihiisa buuxa.

34 jirkan ayaa xulka qarankiisa u ciyaaray 90 daqiiqo kulankii Ukraine ka hor intii uuna 30 daqiiqo kaliya ka ciyaarin kulankii Serbia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.