Liverpool 3-2 Ac Milan: Halyeeyga Liverpool Oo Guul Ka Gaadhay Dhigooda Ac Milan & Steven Gerrard Oo Guul Ku Hogaamiyay Liverpool

Halyeeyda kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay halyeeyada kooxda Ac Milan kulan cajiib ah oo ka dhacay garoonka Liverpool Anfield maanta oo Axad ah kulan Sama-fal ah.

Kulankan ayaa taageerayaasha labada kooxood dib u soo xasuusiyay finalkii taariikhiga ahaa ee ka dhacay Stanbul sanadkii 2005 ee tartanka champions League ee ay Reds 3/0 ka soo laabatay rikoodhayaashana ugu guulaysay.

Halyeeyada labada kooxood ayaa intooda badan ka qayb ahaa kulankaas taariigiga ah waxana ay Liverpool ku adkaatay 3/2.

Steven Gerrard oo kor u qaaday champions league 2005 ayaa markan halyeeyada Liverpool u dhaliyay goolka guusha daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Halyeeyada Liverpool ee Robbie Fowler & Djibril Cisse ayaa Liverpool u dhaliyay goolasha ka hor inta uuna Andrea Pirlo dhalin gool cajiib ah oo laad xor ah ka hor inta uuna Guiseppe Paccaro dhalin goolka bar-baraha.

Steven ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta kooxdiisa Liverpool ku hogaamiyay guul kadib markii uu taageerayaashiisa kursiga ka kiciyay.

Liverpool Legends vs AC Milan Glorie, LIVE: 2005 Champions League final rematch

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.