Liverpool Oo Go,aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Sadio Mane Xilli Uu Xiiso Ka Helayo Real Madrid

Kooxda Liverpool ayaa go,aan ka gaadhay mustaqbalka Xiddigeeda Sadio Mane kaas oo lala xiriirinayo kooxda Real Madrid tan ilaa wakhtigii uu Zidane ku soo laabtay kooxda.

Sadio Mane ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan weerarka kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ayna kooxda Liverpool doonayn in ay iibiso xiddiga reer Senegal dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Mane ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan gaar ahaan bilihii yaraa ee la soo dhaafay laakiin taas ayaan Real Madrid ka hor istaagin in ay xiiso u muujiso xagaaga.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ayna Liverpool dhagasan doonin wax dalab ah oo u yimaada xiddiga reer Senegal xagaaga.

Sadio Mane ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo ah xiddiga ugu goolasha badan kooxda kooxdana u dhaliyay 20 gool tartamada oo dhan.

Maamulka Liverpool ayaa garanaya muhiimada Mane uu u Leeyahay kooxda sidaas darteed ma iibin doonaan xiddiga wax walba oo ay Real Madrid miiska saarto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.