Liverpool Oo Ka Hadashay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Ay Iska Iibin Doonto Naby Keita

Kooxda Liverpool ayaa ka jawaabtay wararka sheegaya in ay iska iibin doonto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda ee Naby Keita.

Naby Keita Ayaa Liverpool ku dhibaatoonaya xilli ciyaareedkan isaga oo aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda waliba inta badan kaydka fadhiya.

Taas ayaa keentay in ay soo baxaan warar sheegaya in ay Liverpool isku diyaarinayso in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxaha reer Germany ee Bayern Munich & Borussia Dortmund haatanba ku tartamayaan sidii ay u heli lahayeen saxiixa xiddiga.

Laakiin wargayska Liverpool Echo ayaa saaka sheegaya in uuna Jurgen Klopp xiddiga u ogolaan doonin in uu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska ayaa sheegaya in sababta uu Klopp u ciyaarsiin laayahay Keita ay tahay in uu doonayo in uu si fiican ula qabsado premier League sidaas darteed uu xilli ciyaareedka dambe siin doono fursadiisa buuxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*