Majalada France Football Oo Kashiftay Qorshaha Real Madrid Ku Soo Xero Galinayso Kylian Mbappe

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa ayaa ugu sareeya Liiska xiddigaha uu tababare Zinedine Zidane doonayo in uu helo suuqa xagaaga xilli uu isku dayayo in uu dib u dhiso kooxda Real Madrid.

Tan ilaa markii uu ku soo laabtay Los Blancos, Zidane ayaa isku diyaarinaya in uu isku shaandhayn ku sameeyo kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo lala xiriirinayo xiddigo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Mbappe iyo Sadio Mane.

Sida laga soo xigtay Majalada France Football ayaa sheegaysa in uu Zidane dookhiisa 1-aad ka dhigtay Soo Xero galinta Mbape.

Majalada ayaa bogeeda Hore maanta ku qortay” Hawl Galka Mbappe” Real Madrid waxa ay dalab weyn ka gudbin doontaa da,yarka reer France.

Isla Majalada ayaa sheegaysa in ay Kooxda Real Madrid isku diyaarinayso in ay xiddiga ka gudbiso lacag dhan 280 Milyan oo euro.

Mbappe ayaa kooxda PSG si toos ah ugu biiray xagaagii hore isaga oo ugu biiray lacag dhan 180 milyan oo euro kadib markii uu dhamaystay heshiis amaah ah oo uu kaga maqnaa Monaco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.