Man City Oo Ku Faraxsan In Uu Alexis Sanchez Ku Biiray Man United Halkii Uu Iyaga Ku Biiri Lahaa, Sabab

Ku Biiristii Alexis Sanchez ee Man United ayaa noqotay Masiibo laakiin arimaha ayaa si weyn uga duwanaan lahaa.

Xiddiga reer Chile ayaa la filayay in uu ku biiro kooxda Pep Guardiola ee Man City ka hor intii uuna si lama filaan ah ugu biirin Old Trafford.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa wakhtigaas heshiiska ay United ku garaacday City u arkay Afduubka sanadka laakiin madaxda Man City ayaa ku farxay in ay Sanchez u ogolaadaan in uu ku biiro Man United.

Sida laga soo xigtay Telegraph Maamulka Man City ayaa ka wal-walsanaa mushaharkii waalida ahaa ee uu Sanchez dalbanayay.

Waxa ay ka cabsi qabeen in lacagta 30 jirku dalbanayay ee dhamaa 500 oo Gini todobaadkii in ay khal-khal galiso mushaharkooda iyada oo waliba khal-Khal ku keento xiddigaha kooxda.

Marka loo eego qaab ciyaareedka Liita ee Alexis Sanchez kooxda Man City ayaa ku faraxsan in ay ka badbaaday in ay xiddiga hesho adeegiisa.

Sanchez ayaa haatan lala xiriirinayaa in uu isaga tagayo kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu isku muujin waayay kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.