Chelsea & Man United Oo Lacag Aad U Jaban Ku Heli Kara Mauro Icardi.

Kooxaha Chelsea iyo Man United ayaa ku dagaalami doona saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi.

Mauro Icardi ayuu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Inter Milan kadib khilaaf weyn oo soo kala dhex galay isaga iyo maamulka kooxdiisa.

Xiddiga reer Argentine ayaa kaliya lagu heli karaa lacag dhan 43 milyan oo euro taas oo heegan galisay maamulka labada kooxood.

26 Jirkan ayaa laga qaaday calaamada kabtanimada taas oo shaki ku tuurtay mustaqbalkiisa kooxda Inter Milan.

Xiddiga ayaan kooxda Inter Milan u ciyaarin tan ilaa 9 February waxana soo baxay warar sheegaya in ay Inter Milan diyaar u tahay in ay ku iibiso lacag dhan 43 milyan oo euro.

Icardi ayaa seegay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxda Inter Milan ee tartamada oo dhan laakiin xiddiga ayaa haatan ku soo laabtay tababarka kooxda.

Si kasta ha ahaatee kooxaha chelsea iyo Man United ayaa ku tartamaya saxiixa xiddiga inkasta oo uu heshiiskiisa inter Milan dhici doono xagaaga 2021.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*