Man United, Man City, Tottenham Mise Liverpool? Andrea Pirlo Oo Magacaabay Hal Koox Oo Premier League Ah Oo Ku Guulaysan Karta Champions League

Halyeeyga Kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa magacaabay koox premier league ah oo ugu cad-cad ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.

Markii ugu horaysay tan ilaa 2009 4 kooxood oo premier League ah ayaa ku soo baxay 8 dhamaadka champions League iyada oo ay Tottenham iyo Man City isku dheceen halka ay Man United iyo Liverpool ku kala dheceen Porto iyo Barcelona.

Andrea Pirlo ayaa sheegay in ay kooxda Man City tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka champions League xilli ciyaareedkan marka laga hadlayo kooxaha premier League.

Pirlo oo champions league 2 jeer kula guulaystay kooxda Ac Milan ayaa sheegay in ay kooxda Man City tahay kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga champions League.

“Waxan u malaynayaa in ay Juventus ka awood badantahay kooxda Barcelona halka ay Tahay kooxda Man City kooxda kaliya ee Premier League ku guulaysan karta Champions League.

Kooxaha Juventus Iyo Man City ayaa isaga hor iman kara Semi-finalka Champions League hadii ay ka kala badiyaan kooxaha Ajax iyo Tottenham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.