Man United Mise Chelsea? Kooxda Ugu Cad-Cad Saxiixa Gareth Bale Oo La Ogaaday, Sabab

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa u muuqda mid u ciyaaraya Los Blancos bilihii ugu dambeeyay isaga oo isaga caraabi doona kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan gaar ahaan suuqa xagaaga.

Wargayska Daily Express ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea ugu cad-cadahay saxiixa Gareth Bale marka loo eego kooxda Man United.

Xiddiga reer Wales ayaa lala xiriirinayaa kooxaha Chelsea iyo Man United kuwaas oo ku loolamaya adeegiisa marka la gaadho xagaaga.

Man United ayaa adeega xiddigan ku raad jootay tan ilaa markii uu joogay Tottenham inta uuna ku biirin kooxda Real Madrid xagaagii 2013.

Dhanka kale chelsea ayaa saxiixa xiddiga u doonaysa in ay ku buuxiso booska laga yaabo in uu baneeyo Eden Hazard kaas oo lala xiriirinayo kooxda Real Madrid.

Wargayska Daily Express ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea u dhawdahay saxiixa xiddiga reer Wales marka loo eego kooxda Man United.

Sababta aya Chelsea ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga ayaa ah in ay kooxda caasimada Spain ee Real Madrid doonayso heshiis isku badalasho ah oo Ay is dhaafsanayaan xiddigaha Bale iyo Hazard.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*