Man United Oo Liverpool Ka Caawinaysa In Ay Sadio Mane Ka Ceshato Real Madrid, Qaab Noocee Ah?

Kooxda Man United ayaa dhigeeda Liverpool ka caawin karta in ay Sadio Mane ka hor istaagto ku biirista Kooxda Real Madrid suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Real Madrid ayaa xiiso u muujisay xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane kaas oo uu Zidane doonayo adeegiisa.

Laakiin wargayska Daily Express ayaa sheegaya in uu Sadio Mane ku sii sugnaan doono Liverpool iyada oo ay Man United sabab u noqon karto.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Real Madrid sidoo kale xiiso u qabto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford.

Hadii uu Rashford ku biiro kooxda Real Madrid waxa ay la macno tahay in ay Real Madrid isaga hadhi doonto xiisaha Sadio Mane.

Isla wargayska ayaa intaas ku daraya in helitaanka Marcus Rashford ay Real Madrid uga fududahay helitaanka Mane marka loo eego in heshiiska Rashford dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka dambe halka uu sadio Mane heshiis 5 sano ah saxiixay dhawaan.

Zidane iyo Real ayaa la filayaa in ay isku shaandhayn weyn u sameeyaan kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay kooxda dib u dhis ugu sameeyaan.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*