Man United Oo Si Weyn Uga Faa,iiday Fasaxa Xulalka & Xiddig Oo Dhaawacyo Uga Soo Laabtay

Rada Man United ee ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya ayaa war fiican heshay kadib markii ay xiddigo badan ka soo laabteen dhaawacyo kala duwan.

Ole Gunnar Solskjaer ayay ku dhufatay masiibo dhaawacyo ah intii lagu jiray fasaxa xulalka iyada oo dhaawacyo looga reebay xulalkooda xiddigaha Marcus Rashford, Luke Shaw, Nemanja Matic, Romelu Lukaku & Anthony Martial.

Dhamaan 5-taas xiddig ayaa dhaawacyo looga saaray waajibaadka xullakooda laakiin waxa ay u badan tahay in ay taam u noqon doonaan kulanka premier League ee ay United la ciyaari doonto Watford Sabtida inkasta oo laga yaabo in uu Lukaku u baahdo wakhti ka badan intaas.

Xiddigaha Eric Bailly, Antonio Valencia & Matteo Darmian ayaa dhankooda ka soo laabtay dhaawacyadii ay qabeen iyada oo kaliya Alexis Sanchez yahay xiddiga dhaawaca uga maqan kooxdiisa.

Valencia oo xagaaga si xor ah uga tagi doona Man United ayaan u ciyaarin Red Devils tan ilaa kulankii ay 2/0 uga badiyeen Newcastle bishii Janaury.

Laakiin waxa uu ku soo laabtay garoomada kulankii uu xulka qarankiisa Euador guuldarada 2/0 ah kala kulmay xulka USA jimcihii hore waxana uu diyaar u yahay in uu ku soo laabto shaxda United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*