Mario Mandzukic Oo Ogolaaday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Juventus, Imisa Sano Ayuu Saxiixayaa?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Mario Mandzukic ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Juventus.

Wargayska Football Italia ayaa sheegaya in Heshiiska Mario Mandzukic lagu dhawaaqi doono maalmaha yar ee soo socda.

32 jirkan reer Croatia ayaa haatan kooxda Juventus kula jira heshiis dhici doona ilaa xagaaga 2020.

Laakiin Shabakada Sky Italia ayaa sheegaysa in heshiiska cusub ee Mario Mandzukic uu noqon doono ilaa xagaaga 2021 taas oo la macno ah in uu hal sano saxiixi doono.

Mandzukic ayaa kooxda Juventus kaga soo biiray kooxda Atletico Madrid xagaagii 2015 isaga oo ugu soo biiray lacag dhan 21 milyan oo euro.

Khabiirka ayaa kooxda Juventus u ciyaaray 158 kulan isaga oo u dhaliyay kooxdiisa 43 gool sidoo kale caawiye ka noqday 23 gool oo kale.

Waxa la filayaa in uu mushahar u qaato lacag dhan 5.5 milyan oo euro sanadkii iyo hal milyan oo euro oo ah lacago guno ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*