Maurizio Sarri iyo Gonzalo Higuain Oo isku Raacaya Koox Cusub, Kooxdee Ayay Ku Sii Jeedaan?

Tababare Maurizio Sarri iyo Gonzalo Higuain ayaa lagu soo waramayaa in ay ka wada tagayaan kooxda Chelsea sida ay sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Talyaaniga.

Gonzalo Higuain oo chelsea kaga soo biiray kooxda Juventus ayaa ku dhibaatoonaya in uu la qabsado horyaalka premier League isaga oo kaliya u dhaliyay 3 gool isaga oo la kulmay dhaleecayn aad u xun.

Dhanka kale Maurizio Sarri ayaa ku dhibaatoonaya in uu chelsea ka soo saaro qaab ciyaareed fiican isaga oo dhankiisa si weyn dhaleecayn ula kulmay.

Wargayska Corriere della Sera ayaa sheegaya in Maurizio Sarri iyo Gonzalo ay isku raacayaan ku laabashada horyaalka Serie A-da gaar ahaan kooxda Roma.

Kooxda Roma ayaa doonaysa Maurizio Sarri si ay tababare uga dhigto kadib markii ay shaqada ka caydhisay tababareheedii hore.

Corriere della Sera ayaa intaas sii raacinaya in Higian u raaci doono Roma dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii uu ku laabto Serie A-da.

Maurizio Sarri iyo Gonzalo Higuain ayaa horay uga soo wada shaqeeyay Serie A-da iyaga oo soo wada joogay kooxda Napoli

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.