Mushaharka Uu Paul Pogba Ka Qaadan Doono Real Madrid Oo La Ogaaday.

Kooxda Real Madrid ayaa dalab Rasmi ah oo waali ah u soo bandhigtay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba.

Paul Pogba ayaa lala xiriirinayaa kooxda Real Madrid maalmihii ugu dambeeyay kadib qirasho ku aadan Los Blancos oo uu sameeyay.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid xiddiga khadka dhexe u soo bandhigtay lacag dhan 10 ilaa 11 milyan oo euro oo mushahar ah sanadkii hadii uu ku biiro kooxda xagaaga.

Hadii uu Paul Pogba ku biiro kooxda Real Madrid waxa uu noqon doonaa xiddiga 3-aad ee ugu mushaharka badan kooxda Real Madrid.

Xiddiga Gareh Bale ayaa ah xiddiga ugu mushaharka badan isaga oo qaata lacag dhan 14 milyan oo euro sanadkii waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddiga Segio Ramos kaas oo qaata lacag dhan 11 milyan oo euro.

Real Madrid iyo Zidane ayaa xagaaga si xoogan suuqa u gali doona si ay u helaan xiddigo ay ku xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*