Neymar Oo Wadahalado Heshiis Kordhin Ah Kula jira PSG & Aabihiis Oo Xaqiijiyay.

Aabaha dhalay xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa war cusub ka soo saaray mustaqbalka wiilkiisa xilli si xoogan loola xiriirinayo kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo doonaya adeegiisa.

27 jirka reer Brazil ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxaha Barcelona iyo Real Madrid tan ilaa markii uu ku biiray kooxda PSG.

Laakiin Aabaha dhalay ayaa sheegay in uu xiddiga reer Brazil heshiis cusub u saxiixi doono kooxda PSG isaga oo haatan wadahalo kula jira kooxda reer France.

Isgaa oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Neymar waxa uu ku jiraa sanadkiisii 2-aad ee kooxda PSG taas oo la macno ah in ay 3 sano uga hadheen heshiiskiisa”.

“Waxa aan sidoo kale PSG kula jirnaa wadahadalo heshiis kordhin ah”ayuu sii raaciyay.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Real Madrid kuwaas oo isku diyaarinayay in ay adeegiisa baanka u jabiyaan suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Neymar ayaa haatan kooxdiisa kaga maqan dhaawac soo gaadhay kaas oo ka hor istaagay in uu kooxdiisa u ciyaaro bilihii ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.