N’Golo Kanté Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Chelsea, Xilli Uu Xiiso Ka Helayo Juventus & Real Madrid, Maxaa Soo Kordhay?

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea ee N’Golo Kanté ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa xilli lala xiriirinayo kooxaha Real Madrid, Juventus iyo waliba PSG Kuwaas oo doonaya adeegiisa marka la gaadho xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxa maalmihii ugu dambeeyay si weyn la iskula dhex marayay mustaqbalkiisa iyada oo shaki weyn la galiyay mustaqbalkiisa Stamford Bridge sabab la xidhiidha xiisaha kooxaha ugu waaweyn yurub.

Si kasta ha ahaatee N’Golo Kanté ayaa ka dhawaajiyay hadal uu ku faraxayo taageero kasta oo kooxda chelsea ah kadib markii uu ka hadlay mustaqbalkiisa.

Xiddiga koobka adduunka kula guulaystay xulka France xagaagii ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay joogista kooxda Chelsea”.

“Maanta Waxa aan joogaa chelsea”ayuu Kante u sheegay Ilbianconero.

“Wixii laga yidhi Mustaqbalkayga wax macno ah ma lahan, waxa aan kaliya diirada saarayaa kooxda chelsea, Kama Fikirayso xiriirka Zidane ee suurtagalka ah”.

Kante ayaa dhawaan qalinka ku duugay heshiis cusub oo kooxda chelsea ah waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed liita xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*