Nicolo Barella Oo Kashifay Sababta Dhabta Ah Ee Uu Isaga Diiday Chelsea Suuqii January

Xiddigii lala xiriirinayay kooxda Chelsea ee Nicolo Barella ayaa shaaca ka qaaday sababtii uuna ugu soo biirin Kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge suuqii January ee bilowgii sanadkan.

Nicolo Barella ayaa si weyn loola xiriirinayay chelsea intii lagu jiray suuqii Jnauary laakiin waxa ay dhamaystiri wayday heshiiska.

Wargayska Express Sport ayaa fahamsan in ay chelsea Nicolo Barella ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad ee badalka Cesc Fabregas oo ka tagay kooxda suuqii January.

Leandro Paredes Ayaa sidoo kale diirada u saarnaa chelsea laakiin waxa uu ku biiray kooxda PSG intii lagu jiray suuqii January.

Maurizio Sarri ayaa doonayay xiddig buuxiya booska kubad samaynta uu baneeyay Fabregas kaas oo ku biiray kooxda Monaco.

Ugu dambayn chelsea ayaan xiddig khadka dhexe ah la soo saxiixan iyada oo kaliya Amaah ku heshay Gonzalo Higuain.

Barella ayaana haatan sheegay in daacadnimo uu u muujiyay kooxdiisa Cagliari in ay sabab u ahayd in uuna ku biirin chelsea.

“Ma garanayo, marna kooxda kalama hadalin suuqa, waxa aan doonayay in aan sii joogo kooxda Cagliari inta ka dhiman xilli ciyaareedkan waanan sii joogay”.

“Wakiilkayga iyo madaxweynaha kooxda ayaa wax walba ka hadlay wararka xanta ah waan arkay laakiin waxa aan haatan joogaa halkan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.