Olivier Giroud Oo Isku Qoray Taariikhda Xulka Qaranka France Kadib Goolkii Iceland

Xiddiga weerarka uga ciyaara xulka qaranka France iyo kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ayaa isku qoray taariikhda xulka qarankiisa France kadib goolkii uu ka dhaliyay xulka Iceland.

Olivier Giroud gool ka dhaliyay kulankii uu xulka qarankiisa France guusha 4/0 ah ka gaadhay xulka Iceland kulan ka tirsanaa is reeb-reebka Euro 2020.

Xiddiga reer France ayaa ayaa noqday xiddiga 3-aad ee ugu goolasha badan taariikhda Xulka qaranka France kadib goolkii uu ka dhaliyay Iceland.

Olivier Giroud ayay kaliya ka horeeyaan xiddigaha Thierry Henry iyo Michel Platini kuwaas oo ah xiddigaha ugu goolasha badan France.

Henry ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan isaga oo dhaliyay 51 gool halka uu Platini yahay xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan isaga oo dhaliyay 41 gool.

Waxa intaas sii dheer in uu Giroud gool ka dhaliyay 23 xul oo kala duwan halka uu Henr yahay xiddiga kaliya ee 37 xul oo kala duwan gool ka dhaliyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*