Paul Merson Oo Kooxdiisii Hore Ee Arsenal U Sheegay Badalka Dhabta Ah Ee Mesut Ozil, Real Ayuu Joogaa.

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa kooxdiisii hore u tilmaamay halka xiddig ee badalka u noqon kara xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Gunners ee Mesut Ozil kaas oo uu shaki weyn ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Arsenal.

Mesut Ozil ayuu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa tan ilaa markii uu Unai Emery shaqada ka badalay tababare Arsene Wenger bilowgii xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo uu dhawaan qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah hadana Arsenal ayaa diyaarinaysa qorshe ay isaga fasaxdo xiddiga reer Germany.

Paul Merson ayaa aaminsan in xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale yahay badalka munaasibka ah ee Mesut Ozil hadii uu ka tago Arsenal.

Isaga oo la hadlaya wargayska Metro ayuu Paul Merson yidhi” Kooxaha Man City iyo Liverpool uma baahna Gareth Bale, hadii uu ku biiro waxa ay ku noqonaysaa culays marka loo eego xiddig 29 jir ah oo waliba leh taariikh dhaawacyo ah”.

“Laakiin Waxa aan aaminsanahay in uu Gareth Bale ku fiican yahay Arsenal waxana ay noqon doontaa guul u soo hoyatay kooxda hadii ay Ozil iska iibiso lana soo saxiixato Gareth Bale”.

Waxa xusid mudan in ay Real Madrid isku dayayso in ay iska fasaxdo xiddiga reer Wales marka la gaadho suuqa xagaaga.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*