PSG Oo Ku Ciyaaraysa Qorshaha Man United Ee Kalidou Koulibaly & Damacooda Oo Haatanba La Ogaaday

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa doonaysa in ay qasaysaan qorshaha kooxda Man United ay ku doonayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa doonaysa in ay 75 Milyan oo euro ku dalbato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Napoli ee Allan.

Taas ayaa la macno ah in ay Napoli diidi doonto dalab kasta oo ay Man United ku dalbato xiddiga daafaca uga ciyaara ee Kalidou Koulibaly.

Sida laga soo xigtay wargayska Il Mattino, PSG ayaa isku diyaarinaysa in ay dib u soo cusboonaysiiso xiisaha iyo dadaalka ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Napoli ee Allan.

Napoli ayaa doonaysay in ay 110 milyan ku iibiso xiddiga suuqii January laakiin waxa ay xagaaga hoos ugu dhigi doontaa 75 milyan oo euro.

Xiddiga laftiisa ayaa doonaya in uu u dhaqaaqo PSG sidaas darteed dhamaystirka heshiiska ayaan wakhti badan qaadan doonin.

Sidaas darteed Napoli ayaan u baahnaan doonin in ay iibiso xiddiga Koulibaly xitaa hadii ay Kooxaha doonaya adeegiisu baanka u jabinayaan.

Koulibaly ayaa si weyn loola xiriirinayaa Man United iyaga oo xitaa diyaar ula ah lacag dhan 150 Milyan oo euro marka la gaadho xagaaga.

Laakiin Napoli ayaan u baahnaan doonin in ay iibiso iyada oo ay waliba u badan tahay in ayna iibin doonin hadii uu Allan ka tago kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*