Raphaël Varane Oo Aamusnaantii Ka Baxay Kana Hadlay Xaqiiqada Wararka La Xiriirinaya In Uu Ka Tagayo Real Madrid

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Raphaël Varane ayaa ugu dambayn ka baxay Aamusnaantii kana hadlay mustaqbalkiisa Real Madrid ee wareerku ku jiro maalmihii ugu dambeeyay.

Xiddiga reer France ayaa maalmihii ugu dambeeyay si lama filaan ah loola xiriirinayay in uu isaga tagayo kooxda Real Madrid ahamaadka xilli ciyaareedkan.

Raphaël Varane ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu tartan cusub qaato kadib sanado badan oo uu joogay kooxda Real Madrid.

Taas ayaa keentay in ay kooxo badan oo reer yurub ah boorsooyinka u furtaan si ay ugu dhaqaaqaana adeegiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin Raphaël Varane ayaa albaabada ka xidhay wararkaas isaga oo sheegay in uu ku faraxsan yaahy kooxda Real Madrid.

Raphaël Varane oo la hadlaya wargayska L’Équipe ayaa yidhi” Waxa jirta waxyaabo badan oo laga yidhi mustaqbalkayga maalmihii ugu dambeeyay inkasta oo aan ahay qof aan hadlin waxana la doonayaa in la iga been abuuro hadalo aanan odhan gaar ahaan Spain”.

“Waxa aan ogahay in aan u ciyaaro koox leh maaliyad weyn oo waliba mar walba kaa doonaysa qaab ciyaareedkaaga ugu fiican waxa aan joogaa Real Madrid waxa madax xanuun ahna kuma dareemayo arintaas”.

“Waxa aan oganahay in aan soo qaatay qaab ciyaareed xun sanadkan laakiin waa sidaas nolosha ciyaartoygu laakiin lama macno ahan in aanan ku faraxsanayn Rela Madrid”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*